Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis LanĨinskas iyo Dania Cossa oo ah Madaxa Howlgelinta.
Kulan gaar ah oo Xafiiska Taliyaha ka dhacay ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, taageerada dhanka Tababarrada,qalabaynta iyo la-talinta farsamo ee EUCAP u fidiso Booliiska Soomaaliyeed.
Kulankani waxa uu ka mid yahay dadaalada uu hormuudka u yahay Taliye Asad ee lagu dhisayo awoodaha Ciidanka Booliiska oo mudadii uu Xafiiska joogay siweyn looga dareemayo isbeddel.