Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha ciidanka qaranka ay ka soo hooyeen dagaalkii ay la galeen kooxo maleeshiyaad ah oo doonaayey in ay weerarro gaadmo ah ku qaadaan dadka shacabka ah eek u nool Degmada Ceel-dheer.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ceeldheer waxa ay saakay Khawaarijta u dhigeen cashar lama iloowaan ah oo sababay in kooxdaasi ay ka cararaan halkaasi,isla markaana ay qaadan waayaan meydadkooda iyo dhaawacyadii kale.

Dhinaca kale, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo isna ka hadlay dagaalkii maanta ayaa sidoo kale yiri”Meel kasta waxaa daadsan maydadka Khawaarijta oo saaka isku maqiiqay Ceeldheer, waxaa mahadsan geesiyaasha Xoogga iyo kuwaa deegaanka, alle ayaa leh mahad oo dhan”.

Madaxdaasi ka tirsan xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in ciidanka iyo dadka deegaanka ee gobolada dalka ay ka qeybgalaan duulaanka la doonayo in lagu ciribtiro maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee diidan in la gaaro xasilooni iyo kala dambeyn.