Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii maanta ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceel-Dheer ee gobolka Gaalguduud.

Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka.

Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si joogto ah ugu taagan difaaca qaranka iyo ciribtirka Khawaarijta.

Ciidanka ay saaka gacanta ku dhigay mid ka mid ah horjooge la socday koox maleeshiyaad,waxaana loo fidiyay gargaar daaweyn ah.