Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka qayb galay aas-aaska gole mideynaya baarlamaannada Qaaradaha Afrika iyo Aasia

Beirut-Lebnon- Shir lagu aas aasayay Gole Baarlamaan cusub oo mideynaya sharci dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa lagu qabtay Magaaladda Beirut ee caasimadda Dalka Lebnon, waxaana Soomaaliya shirkaasi ku matalayay Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed iyo Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo sidoo kale Senator Samiira Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Xubnaha Soomaaliya ku matalayay Aas-aaska Gollahan cusub ayaa ka qeyb qaatay kulamo iyo doodo lagu gorfeynayay xoojinta iyo iskaashiga Baarlamaanadda, kobcinta wada hadalada siyaasadeed iyo sidoo kale horumarinta iskaashi horumarineed oo dhexmara labada Qaaradood.

Aas-aaska Golaha Baarlamaanka cusub ee mideynaya sharci dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga labada qaaradood.