Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa daah-furay Kulan dadwayne oo looga wada – tashanayay xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Naafada) iyo doorkooda dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiir Ilyaas oo kulanka furay ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-qaran ay diyaar utahay dhaqangellinta sidii dadka Naafada ah uga mid noqon lahaayeen Siyaasadda dalka, isagoo dhanka kale xusay in shirkaani ka duwan yahay kulamadii hore ee dadwayne ayna siinayaan ahmiyad gaar ah.
kulanka oo ay si wadajirka ah u soo agaasimeen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa qayb ka ahaa madax ka socotay sadaxda hay’addood ee dastuurka uxilsaaran, Guddoomiyaha hay’adda naafada Qaranka, Wasiiru-Dowlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Avv. Muumino Sheekh Cumar oo ah Xubin ka tirsan Guddiga Xuquuqul insaanka iyo Muwaadiiniin katirsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee (Naafada) oo kullanka kusoo bandhigay su’aalahooda ku aaddan qaabka ugu habboon ee ay ugu qayb-qaadan karaan dhammaystirka dib-u-eegista dastuurka una xaqiijin karaan xuquuqdooda.