Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa u magacaabay Ibraahim Cabdullaahi Axmed (Sheellare) in uu noqdo Agaasimaha Waaxda Warfaafinta, Xiriirka iyo Tiknoolajiyada ( Information and Communication Technology – ICT Department ).
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale u magacaabay Md. Abubakar Axmed Maxamed inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Sugnaanta Cunnada iyo Ilaalinta Bulshada (Director of Food Security and Social Protection).
Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle guddoomiyaha SoDMA ayaa Agaasimayaashan kula dardaarmay in ay xilkiisa u gutaan si hufan oo daacadnimo iyo xilkasnimo leh, wuxuu Alle uu uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay magacaabayay Agaasimayaal ka qaybqaata fududeynta howlaha baaxadda leh ee ay ummadda u hayso hay’adda SoDMA.