Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah Bin Salem Al-Nuaimi.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wada shaqeynta ku dhisan walaaltinimada iyo dan-wadaagga, waxaana uu si gaar ah shacabka iyo Dowladda Qatar ula wadaagay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ee ku aaddan xadgudubkii iyo duqeymihii dhawaan ka dhacay dalka Qatar, isaga oo muujiyay tacsi, taageero iyo garab istaag buuxa oo ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda u hayaan walaalahooda reer Qatar.
Safiirka Dowladda Qatar ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabka uu ku leeyahay dejinta sharciyada iyo shuruucda muhiimka u ah dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, waxaana uu xusay in Dowladda Qatar ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliso xiriirka qotada dheer ee labada dal ka dhexeeya.
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo dhoweeyay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, asigoo tilmaamay sida Dowladda Soomaaliya ugu faraxsan tahay in la sii ballaariyo xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal.
Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Qatar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.