Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababbar u furay garsoorayaal iyo xeer-ilaaliyayaal

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta furay tababbar muddo laba maalmood socon doona, laguna baranayo gorgortanka qirashada ee dacwadda ciqaabta, kaasi oo ay bixinayeen macalimiin ka socota Machadka Pepperdine Sudreau Global Justice Institute ee Dalka Mareykanka.

Ujeeddada tababbarka ayaa ah xoojinta aqoonta iyo fahamka  xeer-ilaaliyayaasha iyo Garsoorayaasha ee nidaamka gorgortanka qirashada, kaas oo door muhiim ah ka qaadan kara hufnaanta iyo adeeg bixinta degdega ah ee Garsoorka.

Tababbarka waxaa ka qeybgalaya garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal, Ururka Qareennada iyo khubaro sharci oo Soomaaliyeed oo ka kala socda hay’adaha caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in nidaamka Garsoorka Soomaaliyeed lagu xoojiyo aqoonta casriga ah, isla markaana loo helo habab fududeeya helitaanka caddaaladda si hufan oo daahfuran.