Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska (FCDO), Mudane Chris Pycroft.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa labada hay’adood, gaar ahaan dhanka gurmadka banii’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee dalkeena.

Labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda banii’aadannimo ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaaraha daba-dheeraaday, colaadaha ka jira gobollo badan iyo barakaca gudaha, kuwaas oo si weyn u saameeyey dadka nugul.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii saaxiibada caalamka ay uga qeyb qaadan lahaayeen wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca gurmadka degdegga ah iyo dhisidda awoodda dowladda ee ka jawaabidda masiibooyinka, isagoo sidoo kale ku booriyay Dowladda Ingiriiska in ay sii kordhiso kaalinteeda, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka banii’aadannimo.