Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir fogaan-arag ah (virtual meeting) la yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Sare ee Qaramada Midowbay u qaabbilsan La-dagaalanka Argagixisada (UNCTED) Marwo. Natalia Gherman.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha la xiriira fikirka xagjirnimada, argagixisada iyo sidii looga wada shaqayn lahaa ka hortagga ficillada argagixisada.
Wasiirka Wasaaradda oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay muhiimad weyn siinayso arrimaha ka hortagga fikradaha xagjirka maadaama uu saameyn weyn ku leeyahay Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda ay diyaar u tahay inay arrimahaan kala shaqeyso hey’adaha caalamiga ah sida UNCTED.