Kampala: Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirweynaha sanadlaha 63-aad ee Ururka La-talinta Sharciga ee Afrika iyo Aasiya (AALCO), kaas oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo matalaya Soomaaliya waxaa shirka ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare. Shirku waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah.
Inta uu socdo shirka, waxaa lagu falanqeynayaa arrimo dhowr ah oo la xiriira sharciga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin: shaqada Guddiga Sharciga Caalamiga ah, sharciga badaha, deegaanka iyo horumar waara, sharciga caalamiga ah ee dhijitaalka (cyberspace), arrimaha sharci ee hawada sare, xaaladda qaxootiga iyo daryeelkooda, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.
Shirkan ayaa ah madal muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga sharci iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Afrika iyo Aasiya, iyadoo Soomaaliya ay kaalin muuqata ku leedahay doodaha iyo go’aannada muhiimka ah ee la xiriira arrimaha sharciga caalamiga ah.