Aljeer (Wargeyska Dalka) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga iyo Kalluumaysiga ee dalka Aljeeriya, Mudane Youcef Cherfa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo si gaar ah looga hadlay fursadaha maalgelin ee ka jira Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo sidii labada dowladood ay uga faa’iideysan lahaayeen.