Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo Dhuusamareeb ku qabatay dood wadaag ku saabsan maamul daadejinta hay’adaha Dowladda

Wasiir ku xigeenka  Wasaarada arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta , Axmed Cusmaan Aadan (Qooje) ayaa  daah-furay dood wadaag ku saabsan maamul daadejinta hay’adaha dowladda.

Dood wadaaggan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-uheshiisiinta Galmudug iyo dhiggeeda heer federaal ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Waxaana ka faaiideystay dood wadaaggan shaqaale ka kala socday wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa sidii loogu talagalay kusoo gabagaboobay maalintii koobaad dood wadaagga, iyadoo lagu wado in lasoo afmeero berri oo Khamiis ah.