Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomey Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Netherland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo uu wehliyey Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Xukuumadda .
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.
8- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ,ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo safar shaqo ku yimid dalka.
9- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa gaaray dalka Aljeeriya si uu ugu qeybgallo Carwada Ganacsiga Afrika (Intra-African Trade Fair), taas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.
10- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qayb galay Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
11- Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa ka qeyb-galay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25), oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), oo ka furmay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga.
12- Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Syria Danjire Abiib Muusa Faarax ayaa warqadahiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, dalka Suuriya, Mudane Asad Xasan Al-Shiibaani.
13- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallim Fiqi ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.
14- Mu’asasada Macallin Nuur ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad weyn oo lagu xusayay dhalashada Nabigeena Muxammad nabadgalyo korkiisa ahaatee.
15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Belgrade kula saxiixday dhiggiisa Serbia heshiis iskaashi caafimaad oo labada dal u dhexeeya .
16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka hadlay muhiimadda cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday dalka iyo dagaalka daba dheeraaday ee dalka looga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.
17- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas.
18- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Belgrade kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Marko Djuric,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha iyo waxbarashada.
19- Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in goob fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah,oo ay laamaha ammaanka ku qabteen dekedda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.
21- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo gal-dacwadeedyo la xiriira cayda aflagaadada, sumcad-dilka, Isku-dirka bulshada, faafinta sawirada xun xun ,faafinta beenta lyo kicin bulshada dhexdeeda ah, waxaana xafiisku digniin u diray dadweynaha in laga waantoobo dambiyadaasi.
22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Djibouti Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa kala saxiixday is afgarad ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, kuna dhisan hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa hawlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo khasaare loogu geystay Khawaarijta Al Shabab.
24- Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa qaabilay Col. Ahmed Fathi Cabdulsatar Al -Xuseyni, oo ah Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar.
25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi Yoonis” iyo Ibraahim Aadan Maadeey, oo ka tirsanaa Khawaarijta, islamarkaana horey loogu xukumay dil.
26- Shacabka magaalada Laas Caanood ayaa si diiran u soo dhaweeyay qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ah ee lagu wado in laga qabto deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
27- Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay caqabad ku hayaan ganacsatada dalka dibeddiisa ka soo dhoofiya dalagyada daruuriga u ah bulshada, kuwaas oo ka taya hooseeya kuwa dalka kasoo baxa.
28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay inuu muhiim u yahay mashruuca taageeridda dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, gaar ahaan qoysaska danyarta ah iyo dadka ku nool degaannada halista ugu jira gaajada iyo macaluusha.
===========DHAMMAAD==========