Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax oo uu wehlinayo Agaasimaha Waaxda Tamarta Eng. Cabdifitaax Abshir Ibraahim, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, si ay uga qayb galaan shirka Wasiirada Afrika ee Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka oo dhacaya inta u dhaxaysa 2–5 Sept 2025.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wafuud ka kala socday dhamaan Dowlaha Afrika ee xubnaha ka ah Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka, iyadoo Soomaaliya uu si rasmi ah ugu matalay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta lagu guda jiray maalmaha shirka socday booqasho ku tagay xarunta “Africa Largest Rooftop Solar System” oo koronta siiya aagga Warsahadaha magaalada Accra.

Ugu dambeyntii, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa kulan doceed la yeeshay Agaasimaha Guud ee Isbahaysiga Solar Caalamiga, waxay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta Soomaaliya iyo ISA dhanka koronta gelinta goobaha ka fog magaalooyinka iyo isticmaalka Tamarta Solarka dhanka wax soosaarka “Solar for Productive Sectors”.