Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Madax ka socotay Gaadiidka Badda ee Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih xilli lagu guda jiray Shirweynihii labaad ee Gaadiidka Badda.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ku xiran dhinacyada fursadaha badda iyo adeegyada kale.

Wasiirka ayaa u soo bandhigay mas’yykjaasi qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.