R/Wasaaraha XFS oo soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tagay Dalka Serbia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa soo gabagabeeyay kulammo muhiim ah oo muddo 3 cisho ah ay la qaateen madaxda Dalka Serbia.

Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Belgareyt ee caasimadda dalkaasi,waxaa kaloo dhinaca Soomaaliya  ka qeybgalay wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaalaiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka warbixiya kulamaasi ayaa sheegay in R/Wasaaraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Serniya ay isla soo qaadeen sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa dhinacyada caafimaadka,amnga iyo qalabeynta ciidanka Qaranka

Dalka Serbiya waxa uu kamid yahay wadamada Soomaaliya la leh xiriirka soo jireenka ah ee soo bilaawday 1960-kii ,waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir  iskaashiga,mid isdhexgalka iyo kuwo kale oo dhinaca dibolomaasiyadda ah.