Taliyaha Ciidanka (AFRICOM) “Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah, waxaana ka jira fursado waaweyn

Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay siyaasadda iyo dadaalka Dowladda mareykanka iyo sida ay u arkaan arrimaha gobolka ee geeska Afrika,gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

“waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo ku taalla isgoyska adduunka,isla markaana muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Taliyaha cusub ee AFRICOM

Taliyaha (AFRICOM) waxa uu xusay in socdaalkiisa uu la xiriiro sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa xaaladda gobolka,gaar ahaan Dalka Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in Dowladda Mareykanka ay diyaar u yihiin in gacansiinta Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM waxa uu horay u soo noqday Taliyaha Cutubka Gaarka ah ee howlgallada Afrika.