Agaasimaha giud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar sare oo 10 maalmood socon doona, kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 20 sarkaal oo ka tirsan hay’adda. Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa sugidda amniga internetka, maamulka xogta socdaalka, iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee lagu maamulo xuduudaha iyo adeegyada kale ee hay’adda.
HSJ ayaa horey u hirgelisay adeegyo casri ah oo ay ka mid yihiin nidaamka dhijitaalka ah ee maamulka socdaalka, bixinta baasaboorka, iyo kaydinta xogta biometric-ka, kuwaas oo horseeday hufnaan iyo horumar weyn oo dhinaca maamulka iyo bixinta adeegyada ah. Tababarkan waxa uu laf-dhabar u yahay sugidda xogta iyo nidaamyada dhijitaalka ah, iyadoo looga hortagayo khataro amni oo culus, sida gelitaan aan sharci ahayn iyo weerarro dhinaca xogta ah.
Ku xigeenka Madaxa IOM ee Soomaaliya, Marwo Prestage Murima, ayaa sheegtay in tababarkani muhiim weyn u leeyahay tayeynta adeegyada socdaalka, gaar ahaan dhinacyada maamulka xogta iyo sugidda baasaboorka, iyadoo xustay taageerada joogtada ah ee IOM ay siiso HSJ dhanka qalabka iyo tababarrada.
Wakiilka Safaaradda Switzerland ee Soomaaliya, Marwo Gisela Schlueb, ayaa iyaduna tilmaamtay in iskaashiga adag ee ka dhexeeya Safaaradda Switzerland, HSJ iyo IOM uu horseeday horumar muuqda, iyadoo tusaale u soo qaadatay taageerada dhinaca shabakadda LAN. Waxa ay intaas ku dartay in tababarkani door muuqda ka qaadan doono adkaynta amniga tiknoolajiyadda iyo maamulka xogta.
Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Switzerland iyo IOM kaalintooda muuqata oo ay ku leeyihiin hirgelinta tababarkan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in HSJ ay si buuxda uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha tiknoolajiyadda oo la jaanqaadidda heerarka caalamiga ah.
Ugu dambayn, waxa uu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha in ay si buuxda uga faa’iidaystaan casharrada iyo khibradaha muddada uu socdo tababarka, isaga oo xusay in amniga internetku uu yahay laf-dhabarka maamulka xogta casriga ah iyo ilaalinta kalsoonida muwaadiniinta.