Heshiiskii hore ee Shirkadda ay Soomaaliya la gashay waxay ahayd inay 3 xirmooyin oo badda ah inay 3-D saysmik ah ka sameeyso, ku xijiso ceelal qodid badda ah. TPAO shaqada hadda u socoto waa baroosays-gareentii xogaha ay badda ka soo qaadday, iyo fasiraadooda. Weli ma dhamaynin hawshaas. Waxaan rajaynaynaa inay dhammaato sannad kan dhammaad kiisa. Ceelal qodidda Badweynta Hindiya waa hawl dhib badan farsamo ahaan iyo dhanka qarashka. Waxaa galayso dhowr Bilyan $, oo si sahlan aan loogu bareeri karin. Dhanka kale, si riski gaas loo qaato, waa inay la timaadaa shirkad kale, oo mataan (partner) shaqado ku yihiin, wadaagi karaan riskiga iyo qarashka. Illaa hadda maalgashade lama haayo. Sida muuqato hadda, TPAO wax yar ayay gaabisay, isla markaana ka walwashay in wajahdo qarash aad u weyn, oo culays ku ah Turkiye, mar hadday TPAO ay tahay shirkad dawladda Turkiye ay leedahay.
Sida uu qoray Jiloojiste Soomaaliyeed Prof. Cabdulqadir Abiikar Xuseen “Waa macquul shirkadda TPAO inay u weecato dhanka Barriga u dhow Xamar, Marka, Afgooye, Balcad oo ceelashii Sinclair ay ka qodday tilmaameen inay leedahay Gaas (Shidaal hawo ah). Xogahii hore ee shirkadaha American Oil Company (Amoco) iyo AGIP ee 1980 meeyadii ee xirmooyinkii 12, 9 iyo 6 ee waayahaas xog tooda waa nadiif, waxaana laga heli karaa CGG ee Wales, UK deggen. Xataa xogahii ka sii duugsanaa ee Sinclair isla meeshaas ayay yaalaan, oo TPAO ay ka soo gadan kartaa. Baaris saysmikeed oo degdeg ah way sameen karaan hadday Turkida rabaan. Gas (hawo ah methane iyo butane) ayaa laga heli karaa oo koronto iyo isticmaalka Guryaha laga sameen karo, waxaa laga yaabaa in laga helo shidaal dareere (liquid) ah oo dhuuman qaadaya shidaalka, laakiin u dhow badda (Terminal marso ah), u khaas ah oo dhoofinaya dibadda dalka”.
Profasoorku waxa uu qormadiisa ku tilmaamay ‘Ceelasha Shidaalka awgiis loo qoday’:
Afgoi-1 (Sinclair 1965)
Afgoi-2 (Ministry of Minerals and Water Resources 1984)
Afgoi-3 (Ministry of Minerals and Water Resources 1985)
Coriole-1 (Sinclair 1960)
Coriole-2 (Sinclair 1965)
Dobei-1 (Sinclair 1961)
Dobei-2 (Sinclair 1961)
Duddumai-1 (Sinclair 1959)
Merca-1 (Sinclair 1958)
Warsheikh (Sinclair 1967).
Prof. Cabdulqaadir ayaa waxa uu leeyahay, Xogaha shidaalka Soomaaliya yaa haya?.
Isagoo arrintaasi ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xogaha shidaalka Soomaaliya xoogaa yar, oo kaseetooyin badda ah ay yaalaan wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland waxay haysaa xogahii lagu qoday Shabel-1 iyo Shabell-1 North, oo ka kooban saysmikis iyo well data.
Prof. waxa uu leeyahay Xogahii 1956-1990 waxaa haaya shirkadahaan:
1. CGG – Fugro Robertson – xogaha waddanka laga soo billaabo 1955 – 1990 (legacy data), oo ka kooban well data, gravimetric and magnetic iyo saysmik. Xogo aad u badan bay Soomaaliya ka haysaa, oo waayahii hore ah (legacy data).
2. Schlumberger: Xogo aad u badan bay Soomaaliya ka haysaa, oo waayahii hore ah (legacy data)
3. TGS (Badda Garacad-Raas Kaambooni) iyo Berbera (Berri iyo bad) oo casri ah (2005 iyo 2015-2017).
Sidaas oo kale, shirkadahii hore ee ka shaqeeyay soo-saarka shidaalka iyagana waxay haayaan xogo aad u badan. Waxaa ka mid ah BP, Shell, ExxonMobil, ConocoPhillips, ENI, Chevron iyo Total.
Haddaba si ay dowladda Soomaaliya u sii xoojiso dadaalada lagu doonayo sidii loo soo saari lahaa kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaaga dhulka iyo Badda ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Mohamed, oo hoggaamiyay wafdiga dowladda ah ayaa ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta (IMAGE) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Houston ee dalka Mareykanka.
Shirkaasi caalamiga ah ayaa isu keenay khubaro, ganacsato, iyo madax ka socda shirkadaha waaweyn ee tamarta iyo shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah ugu bandhigtay fursadaha ballaaran ee maalgashiga ku jira Batroolka iyo Gaaska dabiiciga ah.
Wasiirka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi iyo maalgashi hufan oo caalami ah, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi waara, si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan.
Kulamo gaar ah oo dhinaca shirweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa ay la yeesheen madax ka tirsan shirkado Maraykan ah oo ku takhasusay Batroolka iyo Gaaska, kuwaas oo lagu gorfeeyay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ganacsi iyo farsamo ee Soomaaliya iyo shirkadahaas.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo badan, isla markaana ay furan yihiin dhammaan fursadaha maalgashi ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, sida ay baahisay wakaladda wararka Soomaaliyeed ee (SONNA).
W.D. C/lahi Ruush