Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa todobaadka soo socda ka qeyb galaya dhoola-tus militari oo ka dhici doona magaalada Beijing,sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, taasoo noqon doonta booqasho taariikhi ah.
Booqashada madaxdaan ayaa imaaneysaa maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Kim,yaas oo qeyb ka ah dadaal Aqalka Cad uu ku doonayo inuu heshiis ka gaaro dagaalka Ukraine.
Putin iyo Kim ayaa ka mid noqon doona 26 madax oo kale oo la filayo inay ka qeyb galaan dhoolatuska bandhiga Maalinta Guusha Shiinaha oo ku beegan3-da Sebtembar.
Dhoola-tuska ciidan ayaa sidoo kale ku soo beegmay xuska 80-sano guuradii kasoo wareegtay markii Japan ay si rasmi ah isu dhiibtay dagaalkii labaad ee aduunka ,isla markaana la soo afjarida colaada.
Shiinaha ayaa laga yaabaa in ay soo bandhigaan hubkoodii ugu dambeeyay oo ay ku jiraan boqolaal diyaaradood, taangiyo iyo hababka lidka diyaaradaha. Tallaabadaan waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo qaab dhismeedka cusub ee ciidankooda si buuxda loogu soo bandhigo dhoolatus.