Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa soo dhoweeyay heshiiska hannaanka doorashooyinka ee ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta .
Bayaan ka soo baxay xafiiska xoghayahaa ayaa heshiiskaan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga goan tahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin waddo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.
Xoghayaha Fulinta ee IGAD waxa uu ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadaan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskaan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda isu-tanaasulku ay tahay in la gaaro xal waara.
“IGAD waxa ay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka, si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu