Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaashanaya Ciidamada Deegaanka ayaa habeennimadii xalay weerar ku qaaday fariisimo maleeshiyaadka khawaarijtu ay ku lahaayeen dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaannada Cali- heelle iyo Ciid-Kuus ee Gobalka Galgaduud.

Ciidanka ayaa burburiyay fadhiyo argagixisadu maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameysteen deegaanadaas, Saraakiisha howlgalka hoggaminayay ayaa xaqiijiyay meydadka Tobaneeyo khawaarij ah.

Guutada 77-aad ee CXDS iyo Xoogaga deegaanka oo howlgalkan iska kaashaday ayay u suuragashay in dhammaan rugihii argagixisada ee deegaanada Cali-heelle Iyo Ciid-Kuus ay ciidanku Cagta mariyeen.