Ra”iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood.
“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, gaar ahaan dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.”
Sidoo kale Ra”iisul wasaare Xamse ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkooda dastuuriga ah iyo mas’uuliyadda loo igmaday.
Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal xooggan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo laf-dhabar iyo astaan u ah xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.