Ciidanka Xoogga oo fashiliyey Miinoyin khawaarijtu rabeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka Janaale

Geesiyaasha Qaranka, gaar agaan Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku fashiliyay, Miino ay Khawaarijta u diyaariyeen inay ku Xasuuqaan Shacabka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa Xaqiijiyay in Xogta Miinada oo lala socday ay suurta-gal ka dhigtay inay Libaaxyada Qarankeenna si gaar ah ubartilmaameedsadaan goobta dhagarta ay ku diyaarisay Khawaarijta oo kamid ah goobaha ay inta badan isugu yimaadaan bulshada deegaanka Janaale.

Naftood hurayaasha Xoogga Dalkeenna oo utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan fashiliya isku-day kasta oo ay Khawaarijta ku dooneyso inay ku dhibaateyso Shacabka Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen.