Laascaanood(Wargeyska):Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay 53-cod, halka musharaxii kale ee la tartamay Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29-cod, hal cod ayaa xumaaday.
Goordhow waxaa bilaabaneysa doorashada Guddoomiye ku xigeennada.