Doorashada Guddoonka Baarlamaanka D/G- ka waqooyi Bari oo ka socota Laascaanood

-Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta ka dhacaysa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Musharaxiin kala duwan ayaa u kala tartamaya jagadda guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.

Xarunta doorashadu ka dhacayso ayaa hadda waxa khudbadahooda ka jeedinaya musharaxiinta kala duwan iyagoo soo bandhigaya waxyaabaha ay qaban doonaan sidoo kale na waydiisanaya codka kalsoonida mudaneyaasha Baarlamaanka.