Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Muqdisho ka furay kullan la-tashi Dadweynaha oo ku saabsanaa soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurka, gaar ahaan Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.
Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay saddexda hay’adood ee dastuurka u xil-saaran ,iyadoo lagu dhageystay talooyin iyo fikrado dhanka shacabka ah oo ka hadlaya cutubyada 5aad ilaa 9aad ee ay soo bandhigeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.
Kulankaasi ayaa intii uu socday waxaa ka soo qayb galayaasha ay gudbiyeen aragtiyo iyo iyo talooyin kale oo ku saabsan wax ka beddelka cutubyadaas, halka madax ka socotay saddexda hay’adood ee dastuurka u xil-saaran ay ka jawaabeen su’aalihii iyo aragtiyihii la hor dhigay.