Yokohama:-Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika ee 9-aad (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.
Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Jabaan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullahi Cali.
Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay isagoo si gaar ah u iftiimiyay:
• Guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ku jirto dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka dalka ee barnaamijka cafinta deynta.
• Kalsoonida maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay muujiyeen kalsooni ku saabsan jihada dhaqaalaha iyo amniga ganacsiga.
• Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision 2060), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado maalgashi oo waara.
Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira, sida:
• Kalluumeysiga badda hodanka ah.
• Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef.
• Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.
“Soomaaliya waa dal fursado badan leh, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).