Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta ansixiyey hindise sharciyeed ku saabsan badqabka sirta iyo amniga ee nidaamka komputerada Soomaaliya.
Kulanka Golaha Wasiirada oo ahaa kii todobaadlaha ee caadiga ahaa waxaa looga hadlay qodobbo la xiriiray dambiyada Saybarka ee ka dhaca komputerada iyo sida ugu habboon ee wax looga qaban karo.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan ay soo gudbiyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda,kaas oo ku saabsanaa ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada.
Sharcigaan ayaa xoogga saaraya oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.
Kulanka golaha wasiirada waxaa kaloo looga hadlay arrimmo khuseeyay amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta,iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.