Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Galmudug loogu sameeyay xaflad casho sharaf ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacday  xarunta madaxtooyada ee Galmudug.

Xafladdaasi waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku martiqaaday wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda ee safarka shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudadii uu joogaay halkaasi xarigga ka jaray mashaariic horumarineed,isagoo dhinaca kale tilmaamay in Galmudug ay mareyso meel wanaagsan oo tusaale u noqon kara Dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Munaasabaddaasi casho sharafta ah waxaa kaloo ka qeybgalay xubno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.