Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Mohamed El-Saeed Ahmed El-Baz, oo muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.
Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Danjire El-Baz dadaalkiisa daacadnimada leh ee uu ku xoojiyay xiriirka labo geesoodka, korna ugu qaaday is-fahan is-dhaafsiga labada dal, isaga oo u rajeeyey guul iyo barwaaqo joogto ah dhammaan howlihiisa mustaqbalka.