Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, Â waxaa maanta cagadhigatey Diyaaraddi ugu horreysey oo kuwa xamuulka qaada ah, Kadib markii dhawaan la soo gabagabeeyey Dhismaha garoon diyaaradeed oo muddo halkaas ka socday.
Duulimaadyada Diyaaradaha ayaa si aad ah baahi weyn ay uqa qabeen bulshada Degmada waana mid fududeyn Doonta Safarrada Duulimaadyada Degmada Buur-hakaba.
Shacabka degmada ayaa si aad ah u soo dhoweeyay una bogaadiyay tallaabadan horumarka leh ee degmadu ay ku yeelatay garoon diyaaradeed oo baahi weyn u qabeen Bulshada deegaanka.