Raโ€™iisul wasaare ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐šโ€ ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š-๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐š ๐ฌ๐ข๐Ÿ๐จ ๐ฌ๐š๐ฅ๐๐ก๐ข๐  u noqota ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐šโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta suโ€™aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.

Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hayโ€™adaha dawladda, maadaama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.

Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.