Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Macallin Fiqi oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku booriyey kuna amaanay geesiyaasha qaranka halganka ay ugu jiraan sidii dalka looga ciribtiri lahaa cadowga dalka iyo dadka ee Khawaarijta Al-shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in cadowga duulaankooda uu yahay baadil, xaqqana uu yahay midka ay har iyo habeen u soo jeedaa Ciidanka qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya, wuxuuna geesiyada qaranka ku dhiirigeliyay in ay yihiin kuwo Dalkooda u halgamaya.
“Kuwa u baahan dhiirrigelin waa bulshada, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal dalkooda u halgamay oo cadowga ka xoreeyay.” ayuu yiri wasiir.
Ugu dambeyn, wasiir Ahmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada uu la kulmay u sheegay in ay diyaar u noqdaan dhammeystirka iyo soo afjaridda Dhallinyarada dacas la’aanta ee ku dhuumaaleysanaya keymaha howdka iyo gododka ah qoteen.