Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow iyo mas’uuyiin kale oo katirsan hay’adda ayaa xarunta dhexe kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Azerbajan kuwaas oo marti u ahaa Dowladda Soomaaliya.
Wafdiga ayaa ugu horreyn soo bandhigay hannaanka Dowladda Azerbajan u horumarisay adeegyada dadweynaha, isbeddellada horumarinta ee dhanka Teknooliyidda iyo hufnaanta adeeg-bixinta dalkaas. Wafdiga ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshayaashooda ku aaddan sidii ay u taageeri lahaayeen hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeeg-bixinta, tababarada shaqaalaha, iyo adeegsiga teknoolojiyada casriga ah.
Dhanka kale, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa wafdiga u soo bandhigtay hannaanka ay adeegyada u bixiso iyo dadaallada horumarineed ee lagu xoojinayo awoodda hay’adda iyo tayada adeeg-bixinta bulshada.
Ugu dambayn, wafdiga ayaa booqasho kormeer ah lagu geeyay xafiisyada Baarista Dukumentiyada ee FDU iyo Xafiiska Madbacadda Baasaboorada, halkaasoo oo ay ku arkeen habraacyada shaqo iyo nidaamka casriga ah ee loo isticmaalo diyaarinta iyo bixinta dukumentiyada muhiimka ah ee socdaalka.