Baladxaawo: Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta gaaray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Wafdigaan waxaa xerada Uk ee duleedka Beledxaawo ku soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada, Saraakiil ka soctay qeybaha kale duwan ee ciidamada Qaranka iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka wafdigaan ayaa daaran u kuurgalida xaaladaha Banii’aadanimo ee degmadaan ka jira, qeybinta deeq gargaar ah oo loogu talagalay dadkii dagaaladii degmadaan ka dhacay ku barakacay, sidoo kale Degmadaan waxaa ka dhacaya shir gaar ah oo looga hadlaayo wax ka qabashada baahiyaha banii’adanimo ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay Beledxaawo iyo sida gurmad loogu gaarsiiin karo dadka sameenta adag ay ka soo gaartay coladaan, waxaana shirkaan horkacaysa SoDMA.