-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-boon iyo Buurdhuxunle ee gobolka Bakool.
Howlgalkan oo si xeeladeysan loo fuliyay ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macalin Xasan, afgarashadiisana khawaarijtu u yaqaannay “Magaalabeen.”.