Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:-Waxaa maanta lagu soo xiray magaalada Dhuusamareeb tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo fahamka suxufiyiinta ee doorarka ay warbaahintu ku leedahay hannaanka doorashooyinka dalka.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, ayaa waxaa ka faa’iideystay 20 suxufi oo ka kala socday xarumaha warbaahinta ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Ruun Maxamuud Cusmaan, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Galmudug oo ku hadashay afka suxufiyiinta ka qeyb galay tababarka, ayaa sheegtay in aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadda iyo masuuliyadda suxufiga xiliga doorashooyinka, waxayna ku boorisay suxufiyiinta in ay u tabiyaan doorashooyinka si dhexdhexaadnimo iyo hufnaan leh.

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu horumarinayo xirfadda iyo anshaxa suxufiyiinta Soomaaliyeed, si doorashadu u noqoto mid hufan oo daahfuran, loona helo warbaahin si masuuliyad leh u tabin karta, waxaana uu u mahad celiyay Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka ( UNTMIS).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Mudane Abubakar Nuur Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo hay’adaha iskaashiga la leh dadaalka ay ugu jiraan tayaynta warbaahinta. Wuxuu sidoo kale suxufiyiinta kula dardaarmay in ay adeegsadaan aqoonta ay tababarka ka faa’iidaysteen si ay u gutaan doorkooda tabinta doorashooyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah oo lagu qabto dalka, waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij lagu xoojinayo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee tabinta doorashooyinka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya