Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.
Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta, iyo sida labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta wacyigelinta bulshada, ladagaalanka argagixisada, iyo ka hortagga wararka been-abuurka ah.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys, iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa si gaar ah uga hadlay hawlgallada guulaha laga gaaray ee ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo muujinaya sida cadowga loogaga adkaaday goobaha dagaalka, iyo rajada weyn ee laga qabo in argagixisada laga ciribtiro Soomaaliya.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Midowga Afrika taageerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Midowga Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo dhiirrigelinta nabadda.
Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa xusay inay doonayaan inay sii laban-laabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dalku uu sameynayo horumar la taaban karo oo ka dhashay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan in waddankooda uu hiigsado nabad, horumar iyo barwaaqo.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale; Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Osman Kariye; Taliyaha Guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), General Samuel Kavuma, iyo mas’uuliyiin kale.