Howlgal culus oo Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare Xooggan ayaa xalay ka dhacay gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Tardo.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo halkaas isku aruursanayay, iyo gaadiid dagaal oo ay wateen.
Hawlgalkan oo sida la xaqiijiyey ahaa bartilmeed, wuxuu u dhacay sidii loogu talagalay iyadoo lagusoo afjaray kooxdii khawaarijta ee halkaa ka waday falalka gurracan ee la damacsanaayeen shacabka Soomaliyeed.