Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Maxamed Aadan Macallim ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta fursadaha waxbarasho iyo teknoolojiyadeed.
Safiir Wang Yu ayaa bogaadiyay shaqada Wasaaradda, isagoo xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada Shiinaha ee dhinacyada aqoonta iyo tiknoolojiyadda. Waxa uu sheegay in deeqaha waxbarasho ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta shaqaalaha.
Wasiir Maxamed Aadan ayaa uga mahadceliyay Safaaradda taageeradaas, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo deeqaha iyo barnaamijyada is-weydaarsiga, si loo xoojiyo iskaashiga wax ku oolka ah ee labada dal.