Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaas oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen Bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarrada ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo ilaa heer Gobol.