Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay  qabsadaan guud ahaan deegaanada Gaza.

Ergeyga oo la hadlay saxaafiyiinta ku sugan xarunta UN-ka ayaa yiri “Waxaan u maleyneynaa in tani ay tahay tallaabo aad u xun oo loo qaaday jihada qaldan, waana cambaareyneynaa falkaan iyo mid kale oo lamid ah”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay qorshe la doonayo in lagula wareego gacan ku haynta marinka Qaza,iyadoo qorshaha lagu bilaabayo in ciidamada Israa’iil ay u dhaqaaqaan goobo aysan horey u gelin, oo ay ku jiraan waxa ay ku tilmaantay xeryo ku yaalla bartamaha Gaza oo Xamaas ay ku tababarto ciidamada iyo magaalada Gaza lafteeda.

Sidoo kale,qorshaha ayaa dhigaya in dadka deggan magaalada Gaza laga saaro koonfurta oo ay ku xigto in la hareereeyo magaalada oo la bilaabo weerarro dheeraad ah oo laga sameeyo meelaha dadku ku badan yahay, sida laga soo xigtay ilo wareedyo aan la shaacin.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro xooggan oo ka dhalatay dagaalka burburka ah ee ay ku hayso Gaza, halkaasoo in ka badan 61,200 oo qof lagu dilay tan iyo Oktoobar 2023.