Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la dardaarmay saraakiil deeq waxbatasho ka helay Shiinaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa ka qeybgalay Xaflad ka dhacday Muqdisho oo loo osameeyay 31 sarkaal oo deeq waxbarasho ka helay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Wasiiru dowlaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda..

Wasiir Cumar ayaa saraakiisha ka socday ciidanka xoogga kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddaan qiimaha leh, isla markaana ay soo laabtaan,iyaga oo xambaarsan aqoon casri ah, xirfad sare iyo waayo-aragnimo ka ka tarjumaya baahiyaha amni ee qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maadeey Sheekh Nuur Ufuroow, , Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu iyo marti sharaf kale.