Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Maxkamadda Sare ee dalka ayaa kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah usoo Agaasimeen ku qabtay magaalada muqdisho kaas oo looga hadlayay Caqabadaha ka taagan xabsiyada dalka sida buux-dhaafka Maxaabiista iyo arrimo kale oo quseeyo badqabka maxaabiista.
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka wasaaardda cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dalka, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Ciidanka Qalabka sida, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka iyo Madax ka kala socotay Ciidanka Asluubta iyo Booliska Soomaaliyeed.
Kullanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay Arrimaha Maxaabiista iyo Xabsiyada dalka, waxaana Laysla gartay Ahmiyadda magcaabista Guddi farsamo oo ka-kooban Qaybaha bahda Cadaaladda, kaasoo ay magacaabistiisa iyo hoggaamintiisaba leedahay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.