:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan waxay ku beegsadeen guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka.
Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey.