SODMA oo qabanaysa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) waxa ay qaban doontaa Madasha Arrimaha Bini-aadanimo ee Soomaaliya – 𝗖𝗛𝗙 𝟮𝟬𝟮5.

Madashaan ayaa looga hadlaa guud ahaan arrimaha bani’aadannimada dalka, waxaana ka soo qayb-gala hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwa caalamiga, kuwa maxaliga, Ururrada Bulshada ee ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadannimada ee Dalka iyo deeq-bixiyayaasha.
Madashan waxaa ay ka dhici doontaa magaalda Beydhaba ee xarunta Maamulka koonfur galbeed, maalinta Arbacada oo ku beegan 06 August 2025.