Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, taasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xoojiyay wacyigelinta bulshada ee la xiriirta cudurka cagaarshowga, iyadoo la adkeynayo muhiimadda baaritaanka, tallaalka, iyo helitaanka adeegyada daaweynta, waxaa sidoo kale munaasabada kasoo qayb galay Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, mas’uuliyiin, xirfadlayaal Caafimaad iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa muujiyay sida ay wasaaradda caafimaadka uga go’an tahay la dagaallanka cagaarshowga iyo xoojinta daryeelka Caafimaad ee dalka isagoo xusay muhiimada ay leedahay wacyigalinta iyo baaritaanada xiliga hore si loo yareeyo saamayntiisa.