Dowladda oo dib u soo celinaysa Somali Airlines

Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo lagu bilaabayo mashruuca dib u soo celinta Soomaali Airlines, waxaana diyaaradahan ah ku hawl gali doono muddo laba bilood gudahood ah.

Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa maanta lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa bulshada la wadaagay in dib u soo celinta Somali Airlines uu yahay hadaf Qaran, dowladuna ay soo iibsanayso diyaarado badan xilliyada soo socda.